Guddi Matalaya Gudoomiye Jawaari oo la kulmay Madaxweyne Farmaajo

Wararka aan ka heleyno xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Guddi Xildhibaano ah oo matalaya Gudoonmiyaha Golaha Maxamed Sheekh Jawaari la kulmeen Madaxweyne Farmaajo.

Guddigan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay Xiisada Siyaasadeed ee ka dhax aloosan Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo sida ugu macquulsan ee xal looga gaari lahaa xiisadaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xildhibaanada Jawaari matalaya uu la kulmay kala hadlay sida ugu haboon ee xal looga gaari karo Xiisada, waxa uuna Madxaweynaha soo hordhigay gudigaasi qodobo dhoor ah oo xal lagu gaari karo.

Xildhibaanadan ayaa dib ugu laabtay Gudomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari waxa ayna uga warbixiyeen waxyaabihii ay kala soo kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya ay kulamo la qaateen.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in ay socdaan dadaalo lagu doonayo in ay ku kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawarai si ay uga wada hadlaan xiisada taagan iyo sidii looga gudbi lahaa.

Wadahadalo horey u yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Jawaari ayaa fasilmay, waxa uuna sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka mar uu Warbaahinta la hadlay in Madaxweyne Farmaajo wadahadal kadib uu ka codsaday in uu is casilo isna uu ka diiday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -