Allbanaadir.com
NEWS

Xafiiska arrimaha Qunsuliyadaha ee Wasaaradda A/dibadda oo laga furay Garowe (Sawirro)

Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xarigga ka jaray Xafiis ay Garoowe ka furatay Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiskan oo arrimaha Qunsuliyadaha u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqadiisu noqonaysa fududeynta Dukumentiyada qaadashada Baasaboorka oo awal loo aadi jiray Muqdisho.

Madaxweyne Ku-xigeenka  Puntland Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka hadlay furitaankii Xafiiskan, wuxuu bogaadiyey in Garoowe laga hirgeliyey Xafiis ay leedahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo fududeynaya Dukumentiyo iyo Waraaqo awal Safar iyo daahid lagala kulmi jiray.

Furitaanka Xafiiska arrimaha Qunsuliyadaha ee Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyey, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, Saraakiil ka socda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Taliyaha Ciidamada Booliiska Dowladda Puntland iyo Guddoomiyaha Degmada Garoowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/dkNWr7NiEUc

Related posts

Madaale oo kulan deg deg ah la qaatay Madaxda degmooyinka Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Duqeymo culus oo lagu garaacay godad ay ku dhuumanayeen Daacish

Cabdi Cade

Hadal heyn ka dhalatay lacagta lagu kireeyay Diyaarad William Rutu ku tagay Mareyakanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---