Hadal heyn ka dhalatay lacagta lagu kireeyay Diyaarad William Rutu ku tagay Mareyakanka

Madaxweynaha dalka Kenya  Wiliam Ruto iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Mareykanka , kaddib casuumad rasmi ah uu ka helay dhigiisa dalka Mareykanka Joe Biden.

Wiliam Ruto iyo wafdiga la socda ayaa Nairobi ka qaatay diyaarad khaas ah oo nuuca raaxada ah, waxaana diyaaradan la sheegay in lagu kireeyay lacag gaareysa $1.5 milyan oo dollar, sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya qaarkood.

Diyaarada Madaxweyne Ruto qaaday ayaa waxaa la socda 30-qof kale oo kamid ah wafdigiisa. Waxa ayna lacagtan tirada badan ee diyaarada lagu kireeyay ka dhalatay hadal heyn, iyadoona dad badan dhaleeceeyeen lacagtaasi badan ee diyaarada lagu bixiyay.

Afhayeenka dowladda Kenya Isaac Mwaura , oo ka hadlay hadal heynta ka dhalatay lacagta badan ee diyaarada lagu kireeyay ayaa sheegay in booqashada uu Madaxweynaha ku tagay Mareykanka ka imaaneyso faa’iido ka badan lacagtan baxday.

Madaxweynaha Kenya oo booqasho afar maalin ah ku jooga Mareykanka ayaa beri la kulmay Joi Biden, booqashadan Rutu ku tagay Mareykanka ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee rasmi ah ee madaxweyne Kenyan ah ku tago dalkaasi mudo 20-sanno ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -