Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Khilaaf ka taagan halka lagu aasayo Madaxweyne hore Robert Mugabe

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa jimcihii ku geeriyooday dalka Singapore oo caafimaad ahaan loo geeyay, waxaana hada soo baxaya in uu khilaaf ka jiro halka lagu aasayo iyo cida maamuleysa aaskiisa.

Qoyska Robert Mugabe iyo Madaxda hogaamisa dowlada Zimbabwe ayaa la sheegay in ay isku khilaafsan yihiin goobta lagu aasayo Madaxweynaha iyo hab maamuuska dowlada u diyaarisay.

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe ayaa la sheegay inuu ka codsaday qoyskiisa hadii uu dhinto in dowlada aysan aaskiisa faraha lasoo gelin laguna aaso deegaankii uu kasoo jeeday ee Zvimba.

Dowlada ayaa dhankeeda wada qaban qaabada aas qaran ay dooneyso in loo sameeyo Robert Mugabe, waxaana dowlada la sheegay in ay dooneyso in Mugabe lagu aaso Qabuuraha Qaranka ee kuyaala Harare halka qoyska Mugabe kasoo horjeedaan.

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe ayaa talada dalkaasi hayay mudo 37-sano ah kahor inta aan xilka xoog looga tuurin , waxaana talada dalkaasi la wareegay kuxigeenkiisa hore oo la sheegay in ay isku xumaadeen aadan u kala fogaadeen.

Aaska Madaxweynihii hore ee Zimbabwe ayaa la filayaa in uu dhaco Axada soo socota, mana shaacin dowlada goobta rasmiga ah ee lagu aasi doono Madaxweynaha iyo dadka kasoo qeyb gali doona aaska Qaran ee Mugabe loo sameenayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/dkNWr7NiEUc

Related posts

Sidee ku dhacday in Itoobiya lagu celiyo Taaj la xaday boqolaal sano ka hor? (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Muuse Biixi oo Washington kula kulmay xubno ka tirsan Congresska Maraykanka

Caydiid Ali

Putin oo ku dhawaaqay isbedel halis ah oo uu ku sameynayo hubkiisa Nuclearka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---