Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Toogasho ka dhacday meel ku dhow goob uu ku sugnaa Raisul Wasaaraha Somalia

Askari ka tirsanaa ciidanka Booliska maamulka Koonfur galbeed ayaa galabta ku toogtay Magaalada Baydhabo nin shacab ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in askariga uu rasaas ku furay ninka rayidka ah oo gaari watay ka dib markii sida la sheegay uu ka shakiyey.

Falkan ayaa galabta ka dhacay agagaarka garoonka kubada cagta Dr. Ayuub ee magaalada baydhabo oo u ku sugnaa Raisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre oo maalmahan magaaladas booqanaya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dilkan ay geysteen ciidanka gaarka ah ee ilaalada raisul Wasaare khayre.

Maamulka Koonfur galbeed ayaan ka hadlin dhacdadan, iyadoo dhacdadaas ka dib hawada laga saaray isgaarsiinta Baydhabo gaar ahaan qadadka telefanada iyo internetka inkastoo goor dambe la fasaxay, mana cadda sababta loo demiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/xGJEnVd05cQ

Related posts

Maxaan Ka Baran Karnaa Kacdoonka Bannaanbaxyada Lubnaan iyo Ciraaq?

Cabdi Cade

Sacuudiga iyo Xulufadiisa oo Duqeymo culus ka geestay magaalada Sanca (Sawirro)

Cabdi Cade

Bilyaneer Caan ah oo Sadex kamid ah caruurtiisa ku waayay qaraxyadii ruxay Sri Lanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---