Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Khayre oo ka qeyb galay kulan ka dhacay beer ku taalla duleedka Baydhabo (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa beer ku taallada duleedka magaalada Beydhabo, kula kulmay ururrada dhallinyarada ee ka jira caasimadda kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

Dhallinyarada ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga war bixiyay baahiyaha caafimaad, waxbarasho iyo amni, waxa ayna ka codsadeen in dowladdu ay wax ka qabato baahiyaha taagan, si bulshada ku nool koonfur Galbeed ay u helaan adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dhallinyarada ku boorriyay in ay isu abaabulaan ka shaqeynta dowlad wanaagga iyo mustaqbalka ummadda, ayaa la wadaagay qorshayaasha dowladda uga degsan ka shaqeynta horumarinta arrimaha bulshada iyo sida ay u kala horreeyaan qorshayaasha fulinta iyo dhaqan gelinta barnaamijyada horumarineed ee qaybta ka ah qorshaha dib-u-kabashada dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada uu la kulmay, la xariiriyay wasaaradaha ku shaqada leh baahiyada ay u soo gudbiyeen, waxa uuna faray wasaarahada dowladda federaalka ah, in baahiyahaas taagan si deg deg ah wax looga qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/xGJEnVd05cQ

Related posts

Farmaajo ma Magaalada Baladweyne ayuu weerar toos ah ku qaadey?

Caydiid Ali

Trump iyo Kim John Un oo ku wada sugan Magaalada Hanoi (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maamulka & Shaqaalaha Allbanaadir Online oo ummada Soomaaliyed u diraya hambalyada bisha Ramadaan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---