Maxaa ka jira in dowladda Somalia shuruudo ku xirtay sii deynta Cabdi Janan?

Guddi la sheegay inuu ka socday Waxgaradka Gedo & Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in shuruudo adag lagu xiray sii deynta Wasiirka amniga Jubbaland Cabdi janan oo dhowaan lagu xiray magaalada Muqdisho.

Xubnaha guddigan ayaa intaas ku daray iney kulamo la qaateen Madaxda Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka.

Waxay sheegeen in la hor dhigay Shuruudo ka yimid Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kuwaasoo looga baahan yahay Jubbaland inay fuliso si loo sii daayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan.

Gudoomiye Ku-xigeenka Gudiga Madaxa Banaan ee Xaduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland Axmed Maxamuud Cumar ayaa sheegay inay la kulmeen Mas’uuliyiinta dowladda laakiin laga dalbaday Shuruudo u muuqday kuwa siyaasadeed oo loo baahan yahay in la fuliyo.

Waxaa sidoo kale tilmaamay in qodobadda la hor dhigay dhamaantood ay yihiin kuwo ku aadan kala qeybinta bulshadda degaanada maamulka Jubbaland ayna aad u adag tahay fulintooda.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in la xiray Cabdi janan ka dib markii lagu eedeeyey inuu galay dembiyo kala duwan oo ay ku jiraan dilal loo geystay maxaabiis, lana baarayo.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya ama beeninaya shurrudaha la sheegay iney dowlada somalia ku xirtay sii deynta Cabdi Janan, welina dowlada federaalka kama hadlin warkan iyo waxa ka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -