Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay Xildhibaanada ka soo jeeda Puntland?

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan xasaasi ah kula qaatay magaalada Muqdisho Xildhibaanada labada aqal ee ka soo jeeda degaanada Puntland.

kulanka ayaa looga hadlay sidii doorashada Madaxweynaha ee dhowaan la qabanayo looga dhalin lahaa isbedel ku yimaada dhinaca hogaanka dalka.

Waxaa kulankan dalbaday Axmed Madoobe sida ay ogaatay Allbanaadir Online.

“Waxaan maanta kulan miro dhal ah yeelanay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah labadiisa Aqal ku matala Puntland oo aan ka wada hadalay xaalada uu dalku ku jiro iyo sidii looga dhabayn lahaa filashooyinka shacabka Soomaaliyeed ee dhismaha Dowlad Cusub oo dalka ka saarta xaaladan adag” ayuu yiri Axmed Madoobe oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook.

Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa ka dhexeeya isbaheysi siyaasadeed oo ka dhan ah Villa Somalia, iyadoo labada maamul ay si weyn uga soo horjeedeen siyaasada Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, Axmed Madoobe ayaa caawa kulan la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay ka wada hadleen xaalada dalka iyo geedi socodka doorashada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaligii ugu horeeyey oo ka mid noqday Xildhibaanada Baarlamanka Finland

Caydiid Ali

Al Shabaab ku sugnaa duleedka Aadan Yabaal oo la laayey

Caydiid Ali

Sirdoonka Itoobiya oo digniin ka bixiyey Wararka la xiriira xaalada RW Abiy Ahmed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---