Allbanaadir.com
NEWS

R/W Rooble oo kulan la qaatay Taliyaasha ciidamada Amar cusubna siiyay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay madaxda ugu sarreysa hay’adaha amniga dalka iyo Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulankan ayaa intii uu socday diirada lagu saaray xaalada amaan ee dalka gaar ahaan weeraradii dhawwaan ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baledweyne.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa madaxda laamaha ammaanka amray in baaritaan rasmi ah ku sameeyaan weerarradii argagixiso ee u dambeeyay, amniga doorashooyinka & guud ahaan dalka.

Kulankan Ra’isul Wasaare Rooble la yeeshay taliyaasha ciidamada qalabka sida ayaa imaanaya xilli Madaxweyne Farmaajo xalay isna kulan la qaatay taliyaasha ciidamada ammarna ku siiyay in ay baaraan weeradii Xalane iyo Baledweyne.

Related posts

Dayuurada Kenya Airways oo Muqdisho lagu xanibay

Caydiid Ali

Taliye & Abaanduule cusub oo loo Magacaabay Qeybta 21-aad ee Ciidanka XDS (Akhriso)

Caydiid Ali

Taliska ciidanka Xoogga dalka oo u jawaabay sarkaal Ugandhes ah oo Somalia ku sifeeyey Doofaar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---