Dowladda oo Bogaadisay Abaal-marinta la siiyay Xawaaladda Taaj (Daawo Sawirada)

Xaflad lagu soo bandhigay Abaal-Marinta Xawaaladda ugu fiican ku shaqeynta shuruucda Caalamiga ah ee maaliyadda sanadka 2019, oo la guddoonsiiyey Xawaaladda Taaj ayaa maanta lagu qabtay Hotel-ka Jazeera ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay Gudddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha Shacabka, wasiirrada Maaliyadda, Warfaafinta, Boosatada, Isgaarsiinta & Technology-yada Soomaaliya, maamulka Sare ee Shirkadda Hormuud iyo masuuliyiin kale ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Abaal marinta waxaa Xawaaladda Taaj guddoonsiiyey hey’adda ACCPA oo ah mid ka mid ah sadexda  hey’adood ee ugu weyn dunida ee ka shaqeeya hubinta hufnaanta Maaliyadda.

Maamulaha Xawaalada Taaj Cali Maxamuud Guuleed ayaa sharraxay sida abaalmarintaan ay ku heleen “Waxaan abaalmarintaan uga  guuleysanay  waddamo naga hormarsan, waxaana ku gaarnay dadaallada & garab istaagga Bangiga dhexe ee habka xawaaladuhu u shaqeeyaan” ayuu yiri Cali Maxamuud Guuleed (Cali Mahad).

Guddoomiyaha Shirkadda isgaarsiinta ee hormuud Axmed Maxamuud yuusuf oo isna  ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in abaalmarintan ay usoo galeen dadaal wayn sidii ay u noqon lahaayeen xawaalada ugu fiican qaarada Afrika ayaa yiri “Meel hoose ayay ka soo bilaabeen waxayna marayaan heer ay ku guuleysteen xawaaladda ugu fiican qaaradda Afrika, Taaj hadii ay fiican tahay waxaa weeye Hormuud baa fiican waa hooyada Taaj iyo shirkaddo kale” ayuu yiri Axmed Maxamuud Yuusuf

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hambalyo iyo bogaadin uu ujeediyey Maamulka xawaalada Taaj kadib waxa uu tilmaamay in guusha ay gaareen ay astaan u tahay halka ay Soomaaliya ka taagan tahay Hufnaanta Maaliyadda Dalka ”In nala aaminay waxaa astaan u ah guusha maanta ay gaartay xawaaladda Taaj, Xawaalada iyo bangigaba lama ilaawi karo waxaana ka shaqaynaynaa inaan u fududeyno wax walba oo ay u baahan yihiin” Ayuu yiri wasiir beyle.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa isna yiri “Hambalyo ayaan leenahay shirkadda Taaj guusheeda waxaa sabab u ah maamulkeeda waana ku amaanayaa”

Wasiirka Boosatada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan  ayaa waxa uu sheegay in Abaalmarintaan ay tahay  guul wayn oo ay u soo hoyeen dhammaan shirkadaha Soomaaliyeed, Taasina ay dhiira galin u noqonayso  shirkadaha kale ee dalka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey oo Taaj ku dhiirrigeliyay guusha ay gaartay ayaa ku baaqay in wax laga qabto dhibaatooyinka haysta shirkadaha isgaariisiinta iyo xawilaadaha, wuxuuna Madaxda Dowladda Somalia ugu baaqay in ay xil iska saaraan Difaaca hantida Shacabka Soomaaliyeed.

“Xawaaladaha Soomaaliyeed (Taaj) maanta waxay keeneen abaalmarintaan oo marqaati ka ah inay si sharci ah u shaqeeyaan, dowladda waxaan leenahay masuuliyad iska saara ka jawaabidda dhibaatada ay ka cabanayaan shirkadaha maadaama ay tahay dhibaato u baahan in xil la iska saaro” ayuu yiri Gudoomiye Cabdiwali ibraahim muudeey.

Sidoo kale masuuliyiin ka socotay Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliya oo goobjoog ka ahaa munaasabada ayaa iyana  bogaadiyey guusha ay gaareen shirkada xawaalada ee Taaj.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -