Howlihii Xarunta dembi baarista ee CID oo muddo kooban la hakiyey & Sababta keentay

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa 3 maalmood hakiyay Shaqadda Xarunta Hay’adda Dambi baarista ee CID ee magaalada Muqdisho

Qoraal ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in dib u habeyn loogu sameynayo habka shaqada iyo maamulka xaruntaas, Maadaama Shacabka Soomaaliyeed dhibaato badan ku qabaan.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Sakiyo Xuseen ayaa sheegay in 3 maalmood Shaqadda Xarunta la hakiyay si looga jawaabo Cabashadda ay qabaan Shacabka Soomaaliyeed.

“Taliska Ciidanka Boliiska oo ka jawaabaya cabashada ka timid bulshada Soomaliyeed waxaa dhamman shacabka ku sugan G/Banadir la ogeeysiinayaa in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta taasoo bixisa hoggaanka CID muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan ku sameeyno nidaamka helista warqada dembi la’aanta. Bulshada sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay inoo dulqaataan muddada aan howlshaas wadno” ayay tiri taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Sakiyo Xuseen.

Xarunta dembi baarista ee CID ayaa bulshada u qabata adeegyo ay ka mid yihiin bixinta warqada dembi la’aanta oo ka mid ah waraaqo loo baahan yahay in qofku la yimaado marka uu dalbanayo Baasaboorka Soomaaliga, iyadoo warbaahinta qaarkood ay qorayeen mudooyinkan in xarunbtaas uu ka jiro musuq baahsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -