Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

War cusub oo ka soo kordhay qaraxii ka dhacay Magaalada Kambala

Saraakiisha Booliiska Uganda ayaa sheegay in saddex nin oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeeen weerarkii habeenkii Sabtida ka dhacay Maqaayad ku taal caasimadda Kampala ay Maqaayaddaas cunto iyo cabitaan ka iibsadeen macaamiishii halkaa fadhayiyeyna ay cunto u dalbeen.

Afhyaeenka Booliska ayaa sheegay in walxaha qarxa ay hoos dhigeen mid ka mid miisaska maqaayadda, kuwaasoo qarxay waxyar ka dib markii ay goobta ka tageen. Gabar 20 jir ahayd oo maqaayadda ka shaqaynaysay ayaana halkaa ku dhintay.

Saddex qof oo kale ayaana halkaa ku dhaawacmay, toddobaad uun ka dib markii xukuumadda UK ay ka digtay in ay suurtogal tahay in weerar argagixiso uu dalkaasi ka dhaco.

Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in qaraxaas ay suuragal tahay inuu ahaa fal argagixiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Kulan Sannadeedka Golaha Wasiirrada Oo La Soo Gebagebeeyay

Cabdi Cade

RW Rooble oo looga digay inuu aqbalo arrin uu soo bandhigay Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali

Sawirro: Ciyaar adag oo dhexmartay Xulalka K/Cagta ee Sacuudiga & Qatar (Yaa badiyey)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---