Guddiga doorashada heer federaal ayaa shahaadada Xildhibaanimo siiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhawwaan loo doortay Xildhibaan katirsan gollaha shacabka.
Sheekh Shariif ayaana ku guuleestay kursigii uu horey ugu fadhiyay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur, kursigan ayaana loo gartay Sheekh Shariif iyadoona doorashadiisa loo xiray.
Musharax Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya soo mara oo hadana kursi Xildhibaanimo soo qaata, waxa Shariif la sheegay in kursigan u qaatay si Xildhibaanada dhaxdooda olole xoogan uga sameeyo.
Xildhibaanada gollaha shacabka waxaa sidoo kale ku jira Musharaxiin Madaxweyne oo hadana soo qaatay kuraas Xildhibaanimo, Shariif ayaana ku biiraya Musharaxiinta Madaxweyne katirsan gollaha shacabka.