Dad shacab ah oo dil & dhaawac loogu geystay degmo ka tirsan G/Banaadir

Askari la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidanka amaanka ayaa maanta barqadii dil iyo dhaawac ka geystay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in askarigan uu toogtay qof shacab oo muran uu soo kala dhex galay, kaasoo isla goobta ku dhintay.

Rasaasta uu askarigan ku dilay qofka shacabka ah ayaa waxaa ku dhaawacmay qof kale oo goobta ka dhowaa kaasoo loola cararay goobaha caafimaadka.

Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka iyo dhaawaca geystay uu baxsaday, iyadoo ay goobta joogeen ciidamo Boolis ah oo aan isku dayin askariga dhibaatada geystay.

Ciidamo kale oo ka socda saldhiga Booliska degmada Hodan ayaa gaaray goobtaas, iyagoo baaritaano halkaas ka sameeyey, waxaana socda baadi goob loogu jiro askarigaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

 

- Advertisement -