Dhag ha u jalaqsiin shacabka dhiig baxayoo dhibku heystee dhiishaada ka dhaanso !!

Waxaa moodaa in maamaluda Somalida heer heer federal illaa heer maamul goboleed in ay ku fashilmeen gaarsiinta shacabka illaahey masuuliyadooda saarey adeeg caafimaad taas bedelleedana ay ku mashquulsanyihiin dantooda gaarka ah iyo urursiga shilimaad kiishadooda ku dhaca.

Khasatan ahmiyada maamul goboleedyada loo Aasasay waxaa ugu weyn fidinta iyo gaarsiinta adeegyada aasasiga oo caafimaadku ugu horeeyo deeganada durugsan ee ay ka taliyaan maxaa yeelay waxaa dhacda in dadku maalinkasta u dhintaan cuduro ay fududahey in ay ladaweeyo .

Walaalaha sharfta leh waxaan jecleyntey in aad idinla wadaago warbixin kooban hadleysa dayaca iyo dar-xumada caafimaad daro ee bushadeena ku heysta dalkooda iyo sida aan ceelna ugu qodneyn cidina ugu maqneyn oo waliba masuuliyiintii illahey taladooda u dhiibey aysanba usoo jeedin.

Asbuucii lasoo dhaafey waxaan booqdey oo bukaan geeyey Isbitalka Ordogan ( X-digfeer) halkaas waxaan kusoo arkey xaalado aad iyo aad looga murugooda oo caqligagu diidayo maxaa yeelay waxaa indhahaagu qabanayaan in isbitaalku la ciir ciirayo bukaano tira badan kuwaas oo duruufo dhaqaale iyo mid caafimadba ka muuqdo oo safaf dhaadheer ugu jira qeybaha isbatalku ka koobanyahey.

Mar waxaadba isweydiineysaa oo masxadada ku soo dhacaya in aan dalka isbitaal kaleba ka furneyn markaa tirada dadka aragtid iyo in ay kala yimaadeen dhamaan gobolada Somaliya ayna capacitiga isbitlakba ugu badanyihiin.

Qaar kamid ah oo aan is xogwareysaney waxey isheegeen in ay kayimaadeen degaano aad u fog ayna dantu ku khasabtey in ay safar dheer oo hawada ah soo galeen si ay caafimad ugu helaan bukanaanada ay wadaan waxeyna intaas igu dareen in aad uga baqayaan in shilimaadka yar ee ay saadka uwataan ka go’o hadii baaritaanada isbitaalku ku dheeraadaan maxaa yeelay waxaa si maalinle ah ugu socda kharashka Hoteelada ay deganyihiin iyo makhaayadaha ay magalada ka saaranyihiin.

Waxey iisheegeen bukaanada meeshaan yimi in ay dantu ku kaliftey si ay caafimaad u helaan in ay soo xaraashteen dhul ay lahaayeen ama xoolo miyiga ay ku dhaqan jireen sidoo kalena ay degaanadii ay kayimaadeen at joogaan dad badan oo daryeel caafimaad heysan awood dhaqaale oo halkaan ama meel kale ku kutagaana heysan duruufaha adeg ee ku xeyndaaban qoysaska somaliyeed daraadeed.

Waxey intaas igu dareen deegana qaar in aysan laheyd Isbitaal Guud kuwa lehna in aysan sifican u shaqeyn oo hadaad bukaan geysid halka xabo kaniiniga ah aad banaanka kasoo gadaneysid.

Waxaan ku qiyaasay 80% bukanada isbitaalka hor tuban oo adeega caafimaad usoo doontey in ka yimaadeen maamul goboleedyada kala duwan oo qeybtood 21 sano kabadan ay xasilooni iyo nabad galyo ka jirtey lakiinse aan hoos loo fiirin bulshada dhiban oo dhiigbaxeysa dhibkeeda taas bedelkeedan madaxdii taladooda illaahey dhiibey waxey kadoorbideen in ay xika shaqeystaan oo mudada yar ee ay xilka hayaan halkii ay u shaqeyn lahaayeen waxaan moodaa in aan wax masuuliyad ah ka saarneyn sidii bulshada ay maamulaan adeeg caafimaad u heli laheyd. Sababtoo ah arkiba meysid iyaga oo ka hadlaya daryeel la’aanta dadka heysata halka shacabkii shilinkii ay sida dhibka badan ku heli kareen ay ka furteen diyaarado, hoteelo iyo makhaayado qaaliya inta aan caafimaadba la gaarin.

Masuuliyad daradaas waxaa u dheer madaxa maamulada ee illaahey talada makaniyey in ay caafimaad u aadaan iyo iyaga iyo qoysaskooda dalka dibadiisa maadaama ay dhaqaale ahaan awoodaan in ay isku soo daweeyaan dalka horumarey waxaa intaas dheer oo dad xog ogaal ah iisheegeen in wasaradoodahooda caafimaadku ay isbaaro u dhigteen in dhaqaatiir khibrad leh tagaan deegaanadaas iyaga oo ku naas nuuujinaya isbitaalo yar yar oo gaar loo leeyahey oo qalabna aan heysan aadna u khibrad yar.

Isbitaalka digfeer wuxuu ahaa isbitaal dowladeed oo burburey lakin waxaa dib u kiciyey dowlada Turkish oo keentey dhaqaatiir tabanarta dhaqaatirta cusub ee fresh ah ee somalida qalab Casri ahna waa keentey bulshada somaliyeedna waa u riyaaqdey waxaana adeegisii ku tiirsan 85% dadka degan iyo kuwa caafimaad usoo doonta gobolka benaadir maaliyad ahaana sida mushaaradka dhaqqtiirta iyo dhamaan shaqaalaha iyo waliba shaqo abuur badan sameeyey iyagaa isku filan oo dowladu ma kabto waliba dhaqalaha laga qaado bukanada wuxuu ka jaban ugu yaraan 50% isbitaalada kale isagoo qalab ahaana ka casrisan.

Hadaba maxaa u diidaya maamulada amni ahaan xasiloon in ay dadka u turaan oo isbitaaladoodu guud ee haawanaya ee gabey adeegyadii bulshada u fidin lahaayeen dhaqaalaha xumo daraadeed in ay ku wareejiyaan daneeyayaasha sida qolyahan Turkida oo kale iyagu dhakhaatiirtooda iyo qalabkoodaba wata khidmadahooda ay bulshada ka qaadaan ayey isku maamuli lahaayeen dadkuna waxey kareysan lahaayeen safarada xoogaagii isku daaweyn laheeyeen ugu dhamaadeen.

 
Allow dalka noo hagaaji.

W/Q Prof. Abdirisak Mohamed Said
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com
- Advertisement -