Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ra’isul Wasaare Boris Johnson oo guul daro siyaasadeed ku dhacday

Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Britain  Boris Johnson waxaa lasoo darsay guul daro siyaasadeed kadib markii maanta aqalka sare ee dalkaasi ansixiyeen sharci ku qasbaya inuu dib u dhigo ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Boris Johnson, ayaa niyad jab xoogan kala kulmay sharcigan cusub ay ansixiyeen aqalka sare, waxaana sharcigan qabyada ah u baahan yahay ogolaanshaha rasmiga ah ee boqoradda UK Queen Elizabeth,

Aqalka Sare ee Britain ayaa maanta ansixiyey sharci ku qasbaya Boris Johnson inuu dib u dhigo ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, taasi oo dhabar-jab cusub ku ah ra’iisul wasaaraha.

Sharcigan qabyada ah, ayaa hadii uu meel maro dib u dhigaya Brexit muddo dhaafsan waqtiga iminka la gooyey oo ah 31-ka October, haddii Johnson uusan heshiis ka bixitaan la gaarin Midowga Yurub.

Ra’isul Wasaare Boris Johnson, ayaa horey sheegay inuu door bidi lahaa inuu dhinto isaga xarbinaya intii uu Midowga Yurub weydiisan lahaa waqti dheeri ah, waxa uuna doonaya in doorasho deg deg ah la qabto si uu u helo awood uu Britain uga saaro Midowga Yurub.

Johnson ayaa sharciga dib u dhigaya ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub ku qeexay “is-dhiibitaan” u ogolaanaya 27-ka dal ee kale ee Ururka inay maamulaan xeerarka Britain ay uga baxeyso Midowga Yurub oo ay xubin ka ahayd 46 sano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen oon ka hari doonin Xildhibaanada KG kasoo baxay ilaa ay ka doortaan qofka uu rabo !

Cabdi Cade

Wax badan ka ogow Taariikhda Madaxweynihii mayalka adkaa ee Iran Ebrahim Raisi

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Saraakiil Ciidan iskaga carareen Muqdisho & kuwa kale oo baxsad ah !!

admin
Taboola Ads ---