Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiisha ciidanka Xoogga oo la kulmay Shacabka ku dhaqan Ceeldheer (Sawirro)

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa labo maalin kahor la wareegay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan howlgalo amniga guud ee degmada lagu xaqiijinayo.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutada 24-aad Khalid Binu-Waliid ayaa kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Ceeldheer, kuwaa ay kala hadlayeen gacan siinta ciidanka iyo xaqiijinta amniga degmada.

Taliyaha Guutada 24-aad Khalid Binu-Waliid  ayaa shacabka Ceeldheer ka ballan-qaaday inay sii baacsan doonaan kooxda Al Shabaab, isagoo ka dalbaday inay ciidamada kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo ciribtirka Khawaarijta.

Degmada Ceeldheer ayaa bilooyin kaddib dib ugu soo laabatay gacanta ciidanka xoogga dalka oo horey uga baxay degmadaasi, waxaana degmada inta badan isaga barakacay shacabkii degnaa, kuwaa oo deegaanno kale barakac ku ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo War cusub ka soo saartay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab

Caydiid Ali

Farmaajo oo cadeeyay in doorashada dalka ka dhaceysa ay ka duwanaan doonto kuwii hore

Cabdi Cade

(Sawirro) Ranil Wickremesinghe oo loo doortay Madaxweyne iyo rabshado laga cabsi qabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---