Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Laftagareen oon ka hari doonin Xildhibaanada KG kasoo baxay ilaa ay ka doortaan qofka uu rabo !

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagreen oo xalay munaasabad sagootin ah u sameeyay Xildhibaanada labada Aqal ee lagu doortay Koonfur Galbeed ka hadlay ayaa shaaciyay in uusan ka hari doonin xildhibaanada ilaa ay ka doortaan qofka uu rabo.

Laftagareen oo la dardaarmayay xildhibaanada ayaa sheegay in ay doorashada kusoo baxay Xildhibaano intooda badan uu yaqaan kuna kalsoon yahay, waxa uuna u cadeeyay in uusan ka hari doonin ilaa ay ka doortaan dadka uu rabo.

Waxa uu xusay in Xildhibaanada lagu doortay Koonfur Galbeed oo u badan dhiig cusub in ay yihiin kuwii badbaadin lahaa Soomaaliya sidoo kale kor u qaadi lahaa jiritaanka iyo rabitaanka maamulka Koonfur Galbeed.

” Annagu idin ma sagootineyno ,idinkama hareyno ee waan idin daba taagnaaneynaa ilaa iyo meeshii aan ka rabnay iyo waxii aan ka rabnay aad ka fulisaanwaan, waan idin kor taagnaneynaa” ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa soo saaray Xildhibaano intooda badan gacanta ugu jira, waxa uuna Laftagareen u ololeenayaa in mar kale Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya loo doorto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Erdogan oo ka hadlay Wararka sheegaya in Qatar ka iibiyeen Warshad Taangiyada Sameysa

Cabdi Cade

Galmudug oo qaadacday Shir Madaxweyne Xasan maanta furay (Akhriso)

Cabdi Cade

Nin Waxyaabaha Maanka- dooriya oo badan heestay oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---