Muuse Biixi & wafdigiisa oo booqday Xarunta Jabuuti International Free Zone (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse biixi Cabdi iyo Wefdigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ku joogay Dalka Jabuuti ayaa maanta booqasho ku tegay aaga canshuuraha ka caagan (Freezone)ka Jabuuti.

Muuse Biixi iyo xubnaha la socda ayaa lagu soo wareejiyey dhismaha freezone ka cusub oo gacanta lagu hayo wakhtigan, waxaana weftiga madaxweynaha la tusay muuqaalka uu yeelan doono mustaqbalka markuu dhammaado.

Sidoo kale weftiga madaxweynuhu isla maanta waxa uu booqday dhismaha dhaan-biyood balaaran oo laga wado Carta.

Madaxweynaha iyo weftigiisu ayaa isla maanta booqdeen degaanka Weeca oo u dhaw carta waxaana weftiga warbiximo ka siiyey masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka biyaha, xannaanada xoolaha, kalluumaysiga iyo Beeraha ee Jabuuti Mudane Maxamed Cawaale (Maxamed Soomaali). waxaana kormeerkaa ku wehelinayey masuuliyiin kala duwan iyo wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -