War Deg Deg Ah: Madaxweyne Jocob Zuma oo goordhaw is casilay

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jocob Zuma ayaa goordhaw ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka Madaxweynaha , kadib cadaadis xoogan uu kala kulmay xubnaha sare ee xisbiga uu katirsanaa ee ANC.

Hogaanka sare ee xisbiga ANC ayaa ka dalbaday Jocob Zuma in uu xilka ka dego ama mooshin xilka looga qaadayo ka geenayaan Baarlamaanka, waxa uuna goordhaw oo caawa ah ku dhawaaqay Zuma in uu xilka ka degay.

Is casilaada Madaxweyne Jocob Zuma ayaa caawa dad badan ku noqotay lama filaan, waxa uuna maanta goor sii horeysay Jocob Zuma Telefishinka Qaranka dalkaasi ka sheegay in uusan xilka ka dageyn.

Madaxweyne Jocob Zuma ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay dhaxda kaga jiray fadeexad la xariirta Musuq maasuq iyo wax isdaba marin uu sameeyay, waxaana marar badan loogu baaqayay in uu xilka ka dego.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -