Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay degaano cusub

Howlgallo ay ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen xadka labada Shabeelle ayay kula wareegeen degaanno ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Meelaha ay ciidamadu kala wareegeen Al-shabaab waxaa ka mid ah tuulooyinka Kaxarey, Busley iyo kuwo kale oo ku yaalla xuduuda gobollada Shabeellada hoose iyo Shabeellaha dhexe.

Taliyaha Ururka 35aad, guutada 7aad, qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka, G/sare Cali Cabdullaahi Caraaye (Foofoo) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay la wareegeen dhammaan tuulooyinkaas, isagoo tilmaamay inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah argagixisada sida uu yiri.

Taliyaha ayaa sheegay inay gubeen gaadiid ay lahaayeen al-shabaab, isagoo xusay in Ciidamadu tuulooyinka ay xoreeyeen ay shacabka si weyn u soo dhaweeyeen Ciidamada Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/gW7d8QGGaKc

Related posts

Somalia oo ka qeyb gashay shirka caalamiga ah ee Social Protection (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay labo arrina kala hadlay Madaxweyne David Malpass

Cabdi Cade

Hardanka Siyaasadeed ee hordhaca u ah doorashooyinka 20/21? (Farmaajo VS Kheyre)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---