Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Wararkii ugu dambeeyey qaraxii saaka ka dhacay Ex-Kontrol Afgooye

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo saaka ka dhacay nawaaxiga isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho kaasoo la soo sheegayo inuu sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Gaari noociisu aha NOAH ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu ku qarxay meel ku dhow bar kontrol ay ciidamada amniga ku leeyihiin isgoyska Ex-koontorool Afgooye, ka dib markii ay rasaaseeyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ka shakiyay.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday darawalkii gaariga, askari ka tirsan Ciidamada Booliska iyo mid ka mid ah labo dabley ah oo saarnaa gaariga qarxay halka midka labaad oo baxsaday qaraxa ka hor ay ku raad joogaan ciidamada amaanka sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska.

Qaraxa ayaa sidoo kale burbur xoogan u geystay gaadiid kale oo goobtaas ku dhowaa iyo goobo ganacsi oo halkaas ku yaalla

Ciidamada amaanka ayaa xiray wadooyinka soo gala isgoyska Ex-Kontorol Afgooye ee Magaalada Muqdisho hallkaasoo ay wadaan baaritaano, waxaana sidoo kale gaaray halkaas gaadiidka dab demiska iyo kuwa gurmadka deg deg ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/gW7d8QGGaKc

Related posts

Mid kamid ah ragii loo heestay Dilkii Caa’isha Ilyas oo la deynayo iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Dawladda Soomaaliya oo Hal Milyan oo Doolar ugu Deeqday Somaliland si loogu caawiyo dadkii …

Cabdi Cade

Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo hal arin darteed uga xun in doorashada laga reebo Abuu Mansuur !!

admin
Taboola Ads ---