Somalia oo ka qeyb gashay shirka caalamiga ah ee Social Protection (Sawirro)

Soomaaaliya ayaa si rasmi ah loogu casuumay ka qayb galka shirka sanadlaha ah ee Midowga Yurub oo looga hadlo ilaalinta iyo samatabixinta arrimaha Bulshada ee loo yaqaano Social Protection, kaasi oo sanadkaan 2024 ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Shirkaan oo ay isugu yimaadaan sanad kasta dhammaan wadamada iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha samata-bixinta bulshada, ayaa si gaar ah loogu lafa guray tallaabooyinka wanaagsan ee muddooyinkii danbe loo qaaday dhinaca samatabixinta dalalka soo koroya.

Madaxa Barnaamijka BAXNAANO ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fardawsa Cabdullahi oo si rasmi ah u metelaysa Dawladda Soomaaliya, ayaa shirkaas ka qayb gashay, waxayna ka jeedisay khudbad dhaxal-gal ah oo ay kaga hadashay dedaalka ay Dawladda Soomaaliya ku bixisay arrimaha samatabixinta bulshada.

Marwo Fardowsa waxay shirka ka sheegtay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay dedaal badan gelisay samatabixinta dadka tabarta daran iyo dadka ku waxyeeloobay dagaalada, barakaca iyo wixii lamid ah.

Sidoo kale waxay ugu baaqday dhamaan hay’adaha Midowga Yurub ee ka shaqeeya ilaalinta arrimaha bulshada muhiimada ay leedahay inay mar kasta ku hawl-galaaan nidaamka ama Qorshaha Qaran ee Dawladda Soomaaliya u dejisay arrimaha samatabixinta bulshada, si loo daboolo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan dadka tabarta daran ee ku nool gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Midowga Yurub Von Der Leyen ayaa dhankeeda Dawladda Soomaaliya ku bogaadisay dedaalka wanaagsan ee ay ku bixisay arrimaha samatabixinta bulshada, waxayna hoosta ka xaqriiqday inay xoojin doonaan garab istaagga Soomaaliya.

- Advertisement -