Hardanka Siyaasadeed ee hordhaca u ah doorashooyinka 20/21? (Farmaajo VS Kheyre)

Shirkii baaqday ee u dhexeeyey xukuumadda dhexe iyo dowlad-goboleedyada oo ay ahayd in uu Xamar ka dhaco 5-8-July-2020, hadaladii doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamanaka ku saabsanaa ee RW Kheyre ka jeediyey laba shir oo kamid ahaa  fadhiyada golaha xukuumadda, Baaqii guddoomiyaha Aqalka sare ee isna quseeyey doorashooyinka, Jawaabtii madaxweyne Farmaajo kabixiyey hadlkii 9 July-2020 hadal uu RW Kheyre ka jeediyey golaha Wasiirada isla 9-July-2020, Shirka u dhexeeya madaxda 5ta dowlad-goboleed ee 11-July-2020 ka billowday Dhuusamareeb, kaqaybgalka xukuumadda dhexe ee shirka Dhuusamareeb iyo hadalkii gud. Mursal ka jeediyey Fadhiga golaha shacabka  isugeynta dhammaan tallaabooyinkaas waxa salka ku hayeen sameysanka Isbaheysiyo iyo hardan siyaasadeed oo u dhexeeye labada heer ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadda waxa u sameysay si aan rasmi ahayn laba Isbaheysi oo iyaga oo aan lahayn magac ay mideysan yihiin billaabay tartan iyo isxulufeysi la xiriira doorashooyinka, sida ay u badan tahay labadan isbaheysi waxa ay ku tartamayaan sidii mid walba u xaqiijin lahaa ujeeddadiisa siyaasadeed ee kuwajahan doorashooyinka.

Isbaheysiga 1aad waxa horkacaya Villa Somalia waxa hoggaaminaya Madaxweyne Farmaajo, waxaana xubno ka ah

  1. Guddoomiyaha golaha shacabka Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
  2. Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee GSH Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muuddeey
  3. Raisalwasaare kuxigeenka garyaqaan Mahdi Maxamed Guuleed
  4. Tiro badan oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka

 

Muxuu rabaa Isbaheysigani?

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku dheggan yahay kudhaqanka Dastuurka iyo hirgelinta xeerka doorashooyinka, hadalkii uu soosaaray 9-July-2020 ee uu uga jawaabay baaqa golaha Wasiirada waxa kamid ahaa:- “Madaxweyne Farmaajo ayaa  tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in aan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin

Xubno kamid ah Baarlamaanka federaalka oo falanqeeyey Ujeeddada ugu weyn ee madaxweynuhu kala leeyahay qabashada doorasho qof iyo cod ah (One person one vote) ama ugu dheggan yahay Dastuurka kmg ah iyo xeerka doorashooyinka waa in uu abuuro jawi suurageliya muddo-kordhin iyada oo loo marayo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo sidii guddoomiyaha guddiga doorashooyinku 27-June-2020 u sheegtay fadhiga golaha shacabka ay qabashada doorasho qof iyo cod ah  u baahan tahay muddo 13 bil ah.

Qofna lama soo istaagi karo codsiga iyo raadinta muddo kororsi hayeeshee madaxweynaha iyo dadka qaba aragtidiisu waxa ay iskudeyayaan in ay abuuraan Jawi lagu heli karo muddo kordhin, hayeeshee marna afka kama sheegayaan, waxa ayse awood badan geliyaan iskuna dhejiyaan hirgelinta xeerka doorashada oo qaba in doorashadu noqoto qof iyo cod xitaa haddii lagu gaaro karo 2 illaa 3 sano oo kale.

Isbaheysiga 2aad sida loo badinayo waxaa horkacaya RW Kheyre waxaana kamid ah

  1. Gud: AS: Cabdi Xaashi
  2. Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee GSH Mahad Cabbdalla Cawad
  3. MW Puntland:Deni
  4. MW Jubbaland: Madoobe
  5. MW Hirshabeelle:Waare
  6. MW Galmudug:Qoorqoor
  7. MW KGS: Lafta gareen
  8. Beesha caalamka oo loo badinayo in ay riixeyso in aan la sameyn muddo kordhin dalkana ay ka dhacdo doorasho

Muxuu rabaa Isbaheysigani?

Intooda badan waxa ay qabaan in xukuumadda dhexe ay ku fashilantay higelinta howshii uga aaddanayd in 20/21 ay kadhacdo doorasho qof iyo cod ah, sidaas awgeedna aanay suuragal ahayn in la sameeyo muddo-kordhin islamrakaana aysan jirin fursad saamixi karta qabashada doorasho qof iyo cod ah, sidaas awgeed waxa u arkaan in la qabto doorasho dadban sidii xaalku ahaa 2016, taasina waa sababta salka u ah shirka ay dowlad-goboleedyadu ku qabteen Dhuusamareeb.

Waxa kulmiyey aragtida balse waxa ay leeyihiin dano kaladuwan oo ku dhexjira in Waddanka ay ka dhacdo doorasho waxa ay si weyn u aaminsan yihiin in haddii la hirgelin waayey Dastuurka iyo xeerka doorashooyinka ay tahay in la helo wax heshiis lagu yahay balse ay waajib tahay in 4tii sanaba mar ay dalka kadhacdo doorasho, taas qudheedana waxa ay u arkeen in xeerka doorashooyinka iyo dastuurkuba qabaan.

Muxuu madaxweyne Farmaajo la tegayaa Shirka Dhuusamareeb?

Kaddib markii ay soo baxday qabanqaabada Shirka Dhuusamareeb madaxweynuhu waxa uu qaaday dhowr tallaabo oo saamileyda siyaasadda Waddanku u arkayeen in madaxweynuhu ku ciyaarayo fursadaha uu haysto isaga oo rejo kaqaba in uu ka faa’iideysan karo  hirgelinta iyo ku mintididda doorasho qof iyo cod ah oo u horseedi karta haddiiba lagu heshiiyo muddo-kordhin.

  1. Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa yiri: “Ma jirto meel ay xilligaan ku qoran tahay in la aado doorasho dadban” shuruucda Doorashada waxaa leh Baarlamaanka” farriintan oo kuwajahan dowlad-goboleedyada waxa ay xubno kamid ah Baarlamaanku ku sheegeen in ay kasocoto madaxweynaha, waxa ayna sii calwineysaa xiriirka xun ee madaxtooyada Soomaaliya kala dhexeeya DG qaarkood
  2. Madaxweyne Farmaajo Shirka Dhuusamareeb uma arko shir quseeya doorashooyinka sidaas daraadeed ugama hadli doono wax la xiriira doorasho  balse waxa uu xoogga saarayaa Nabadgelyada, waxa uuna u arkaa mid kamid ah shirarkii caadiga ahaa ee golaha Amniga qaranka, haddii shirka ay ka suurageli weyso aragtida madaxweyne Farmaajo  golaha shacabka ayaa qaadanaya go’aan ku aaddan doorashooyinka! waxa ay u badan tahay in muddo-kordhin! taasina haddii ay dhacdo waxa ay sii cakiri doontaa xaalka kalaguurka.

Haddaba sidee Isbaheysiyada & Hardanka Siyaasadeed u saameyn doonaa doorashooyinka Baarlamaanka iyo madaxtooyada?

Xigasho Mustaqbal radio

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -