Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxda dowladaha Itoobiya & Eritreya oo Magaalada Muqdisho ku soo wajahan

Sida ay sheegayaan warar laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya madaxda dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa ku soo jeedaan magaalada Muqdisho maalinta beri ah

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa la sheegay inay berri imaan doonaan magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka saddexaad ee isbaheysiga saddex geesood ah (Itoobiya-Somalia- Eritrea).

Warar kale, oo aan la xaqiijin ayaa iyana sheegaya in booqashada labada hogaamniye ay ku beegan tahay Khamiista.

Waxaa la adkeeyay amniga magaalada Muqdisho iyo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la joojiyey dhaqdhaqaaqyadii gaadiidka ee xubnaha degan madaxtooyada iyadoo shirka saddexda hoggaamiye uu noqonayo kii saddexaad kadib heshiiskii ay ku gaareen magaalada Asmara.

Shirka madaxda saddexda dal ee Muqdisho ayaa ku soo beegmaya iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu wajahayo mooshin laga keenay xil ka qaadistiisa, iyadoo arrimaha lagu heysto ay ka mid tahay heshiiska uu la galay labadan hogaamiye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo gaartay go’aan lamid ah mid horey DFS uga soo baxay

Cabdi Cade

Cunug dhashay oo laga soo saaray Dhismo ku Dumay Dhul-gariirkii Syria iyo Waalidkiis oo…

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse iyo Karin Johansson oo arrimo Muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---