Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweynaha Ukraine oo iska diiday Dalab xasaai ah oo uga yimid Mareykanka

Ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay qeybo kamid ah caasimadda dalka Ukraine ee Keiv, waxa ayna ciidamada Ruushka doonayaan in ay meesha ka saaraan dowladda reer Galbeedka taageeraan uu hoggaamiyo Madaxweyne Volodymyr Zelensky.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa wali ku sugan magaalada Keiv, waxa uuna Madaxweynaha hoggaaminayaa dagaalka ciidamada Ukraine isaga difaacayaan duulaanka ku wajahan caasimadda Keiv.

Volodymyr Zelensky ayaa wararku sheegayaan in uu iska diiday dalab uga yimid dowladda Mareykanka oo ku aadanaa in isaga iyo qoyskiisa laga caawiyo sidii looga saari lahaa dalka Ukraine loona geyn lahaa goob ammaan ah.

Madaxweynaha ayaa u sheegay Mareykanka in uu ku jiro dagaal isdifaacid uuna diyaar u aheyn in isaga kaliya la badbaadiyo , waxa uuna dalbaday in laga caawiyo hub iyo saanad balse uusan dooneyn in dalkiisa laga saaro.

Dhinaca kale Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa soo dhigay bartiisa Twitter-ka muuqaal isaga oo ku wareegaya waddooyinka magaalada Kyiv wuxuuna beeniyay wararka sheegaya inuu ugu baaqay ciidamadiisa inay isu dhiibaan ciidamada Ruushka.

Madaxweynaha ayaana beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada iyo warbaahinada qaar oo sheegayay in ciidamada Ukraine ugu baaqay in ay isku dhiibaan ciidamada Ruushka si naftooda u badbaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=EAUdvOOZ9Mk&t=75s

Related posts

Dowlada Somalia oo ashtako ka dhan ah heshiiskii dekeda Berbera u gudbisay Jaamacadda Carabta

Caydiid Ali

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee arraga (World Sight Day) oo lagu qabtay Muqdisho

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo kulan xasaasi ah la qaatay saraakiisha ciidanka Gorgor (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---