Allbanaadir.com
NEWS

Toogasho dad lagu dilay oo ka dhacday Jaamacad ku taalla Wadanka Turkiga (Daawo Sawirro)

Nin hubaysan ayaa toogasho ku laayay dad u shaqaynayay jaamacad ku taalla magaalada Eskisehir ee dhacda waqooyiga galbeed ee dalka Turkiga.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in ninka dhibka gaystay uu cilmi baare ka yahay jaamacadda Osmangazi  ay xireen Booliska.

Dadka la dilay waxay kala ahaayeen ku-xigeen Waaxeed, Xoghaye iyo labo Macallin, saddex ruux oo kale ayaa weerarkaas ku dhaawacmay

Lama oga illaa hadda sababta ninkan oo magaciisa lagu sheegay Volkan B. ku xambaartay inuu dadka laayo, balse hadda waxaa su’aalo waydiinaya booliska.

Wararka qaar waxay tilmaamayaan in ninka weerarka gaystay uu isku dayay in uu baxsado, balse uu markii dambe isa soo dhiibay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

C/raxmaan C/shakuur oo DF ku eedeeyey dhibaatada ka taagan Belad-weyne

Caydiid Ali

Guddi ay dowladda magacawday oo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Saddex nin oo goor dhow lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---