Sharci lagu doonayo in Ilhaan Cumar looga saaro aqalka Kongareeska oo la meel mariyay

Ilhan Cumar oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya kana tirsan aqalka Koongareeska dalka Mareykanka ayaa cadaadis siyaasadeed kala kulmeysa Xisbiga Jamhuuriga ee haya talada dalka Mareykanka.

Xubnaha Xisbiga Jamhuuriga ee ka taliya Gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa meel mariyay sharci ay ku doonayaan in Ilhaan Cumar looga saaro aqalka Kongareeska ay katirsan tahay.

Sharcigan cusub ee lagu doonayo in Ilhan Cumar looga saaro aqalka Koongareeska waxaa ansixiyay Golaha degaanka Gobolka Alabama , waxaana hindisahan soo jeediyay Tommy Hanes, oo ah Xildhibaanka Gobolka Alabama ku matala Aqalka hoose ee Mareykanka.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa ku warameysa in xubno ka socda guddiga Golaha degaanka Gobolka Alabama ay tagi doonaan aqalka hoose ee Mareykanka si ay u dalbadaan in xeerkaas la meel mariyo Ilhaanna laga eryo aqalka hoose ee Mareykanka.

Xisbiga Jamhuuriga uu katirsan yahay Madaxweyne Donald Trump ayaa dagaal siyaasadeed ku haya Xildhibaan Ilhan Cumar, waxa ayna inta badan ku eedeeyaan in ay naceb tahay Isra’il waxna ka sheegto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -