Kumandoska Somalia oo sheegay iney howlgal ku laayeen ajaaniibtii ugu badneyd ee ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumandoska Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal qarsoodi ah oo ay xalay ka fuliyeen magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ay ku dileen in ka badan soddon ka tirsan ajaaniibta Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay iney weerareen guri ay ajaaniibtan ka degenaayeen Magaalada Jilib ee gobolka Jubada dhexe oo ah meel ay si weyn ugu xoogan yihiin Al-shabaab.

Hay’adaha amniga Qaranku waxay sheegayaan in inta badan ajaaniibta la laayey ay u dhasheen dalalka Kenya iyo Sudan, waxaana lala dilay baa la yiri Turjubaano Soomaali ah oo u shaqaynayay.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegaya in howlgal labaad oo ciidamada Qaranku ka fuliyeen isla Jilib ay dhaawac culus ugu gaysteen sarkaal sare oo ka tirsan al-shabaab laguna magaacaabo Bashiir Maxed Max’uud (Qoorgaab) kaasoo horay dowlada Maraykanku ay ugu dartay liiska argagaxisada, madaxiisana la  dulsaaray lacag gaareysa saddex milyan oo dollar.

Hay’adaha Amnigu waxay sheegayaan iney isha Ku hayaan dhaqdhaqaaqa ay wado kooxda al-Shabaab gaar ahaan kuwa lagu dhaawacay hawlgalka Jilib oo uu ugu horeeyo Qoorgaab.

”Howlgalkan waa haddiyad ay Ciidamada Amnigu ugu deeqeen Shacabka maalmaha Xorriyadda awgeed, iyadoo lagu burburiyay halis argagixisadu la maaganayd Shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war ciidamada amnigu ay soo saareen.

Al-shabaab kama hadlin hadalka ciidamada dowladu soo saareen, loogamana baran iney ka hadlaan arrimaha noocan ah, mana jiraan warar ka madax banaan ciidamada dowlada oo sheegaya khasaaraha ka dhashay howlgalada ka dhacay Jilib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -