Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir oo booqday qoyska Marxuum Eng. Yariisow (Sawirro)

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fillish) ayaa caawa booqday Qoyska Marxuum Eng. Yariisow.

Cumar Fillish ayaa mar kale uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka, isagoo xusay inuu ahaa nin dalka iyo dadka u khidmeeyay, waajibkiisa isagoo gudanayana u geeriyooday.

Waxaa uu tilmaamay in la xusuusan doono kaalintiisa kaga aadaneyd horumarinta iyo u adeeggida dadka ku nool caasimadda Muqdisho.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Xildhibaan C/qaadir Carabow iyo xubno kale ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ku wehliyey booqashadan.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fillish) ayaa maalmaha soo socda si buuxda ula wareegaya xilka, iyadoo lahga sugayo inuu la yimaado waxqabad, halkoodana ka sii ambaqaado howlihii qabyada ahaa ee uu ka tagay marxuum Ing. Yariisow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Talaalkii ugu horeeyey ee looga hortagayo cudurka HIV/AIDS oo la soo saaray

Caydiid Ali

Muxuu yahay heshiiska ka careysiiyey Yurub ee Liibiya la gashay Turkiga?

Caydiid Ali

Hirshabelle oo War ka soo saartay dhalinyaro sabab yaab leh loogu xiray Jowhar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---