Waxaa markii ugu horreysay Israa’iil ku dhacay gantaalladii ugu badnaa abid ee lagaga soo rido dhinaca Marinka Qaza, sida ay sheegeen militeriga Israa’iil.
Jan. Ori Gordin ayaa warbaahinta u sheegay in iyo tan Isniintii ay 3,000 (Saddex kun oo gantaal) ay Xamaas ku soo rideen Israa’iil.
Wuxuu intaas ku daray in gantaallada ay ridayaan Xamaas ay yihiin kuwa dheereeya marka loo barbardhigo gantaallo horey looga soo riday dhinaca Israa’iil iyo dagaalkii 2006-dii ee Xisbullaah.
Magaalooyinka Israel ayey dadku ku jiraan guryahooda, waxaana xiran garoomada dayuuradaha, iyadoo laga baqayo madaaficda Xamaas.
Ugu yaraan 8 Yuhuud ah iyo dad boqol ku dhow falastiiniyin ah ayaa ku dhintay rabshadaha iyo duqeymaha ay labada dhinac isdhaafsanayaan maalintii todobaad oo illaa hadda aysan muuqan rajo ama xabad joojin.
Dhinaca kale, Madaxa xafiiska diblomaasiyadda Falastiin ee London ayaa warqad mahad celin ah u qoray labo ciyaaryahan oo calanka Falastiin ka dhex lulay garoon kubadda cagta ag iyagoo u dabaal degayay guushii FA cub-ka ay ka gaareen kooxda Leicester ee ka dhisan Ingiriiska.
Husam Zomlot ayaa sheegay in taageerada ay muujiyeen Wesley Fofana iyo Hamza Choudhury ay ahayd mid aad loogaga diirasady dhulka Falastiin oo dhan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com