Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo Somalia u soo Magacaabay Safiir cusub oo ka awood badan kuwii hore

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Ambasador Richard H. Riley u magacaabay danjiraha Soomaaliya isagoo ku magacaaban Safiir aan caadi aheyn oo haysta awood buuxda oo uu ku matalo dawladda Mareykanka, kuna gaaro go’aamo iyo qaraaro deg deg ah.

Biden ayaa magacaabay 27-kii bishan afar safiir oo uu ku jiro Ambasador Richard H. Riley waxaana loo gudbiyey Aqalka Senatka.

Ambasador-kan cusub ayaa darajo sare ka gaaray siyaasadda Arrimaha dibada Mareykanka Riley ayaa haysta awood buuxda oo kumatalo danaha Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana uu kasoo shaqeeyey meelo ay ka mid yihiin

  1. Wuxuu noqday Qunsulka guud oo u dhigma wasiir ee magaalada Bishaawar ee Pakistan
  2. Wuxuu Noqday Sii hayaha Safaaradda Norway- Oslo
  3. Safiir ku-xigeenka Afghanistan – Kabul
  4. Safiir ku-xigeenka Sanca Yaman (2015-2017)
  5. Qunsulka Guud ee Canada ( 2012- 2015)
  6. Hoggaanka Barnaamijka Mareykanka iyo Talyaaniga ee Naasariyah Ciraaq (2006-2007)
  7. Isku-duwaha Xaquuqda aadanaga ee Safaaradda Maraykanka- ee Ciraaq ( 2007-2008)
  8. Wuxuu ka soo shaqeeyey Howlgalada Mareykanka ee Russia, China iyo Jamaica.

Ambasador Richard H. Riley ayaa marka ay anxisiyaan ansixiyaan aqalka senateka waxaa uu bedeli doonaa danjire Larry André Jr oo hadda ah safiirka mareykanka u u fadhiya Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo loo oggolaaday Xuquuqda Cod-bixinta ee Golaha Guud ee QM iyo Dalal laga joojiyay

Cabdi Cade

Shirkada Twitterka oo Gabi ahaan hawada ka saartay Ciwaankii Madaxweyne Trump

Cabdi Cade

Maxay tahay balaayiinta Dollar ee dowlada Qatar siineyso waddanka Turkiga?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---