Allbanaadir.com
NEWS

Dhalinyaro kufsi geesatay oo lagu karbaashay Fagaare kuyaala Dhuusomareeb (Sawirro)

Waxaa maanta fagaare kuyaala magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug xukun karbaash ah lagula fuliyay labo nin oo dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay kufsi ka geesteen magaalada Guriceel.

Maamulka Ahlu sunna ee magaalada Dhuusomareeb ayaa isugu yeeray dadka magaaladaasi in ay yimaadaan fagaare xukun karbaash ah lagula fulinayay labada nin ee kufsiga geestay.

Dadweyne badan ayaa usoo daawasho tagay fulinta xukunka karbaashka ah ee ragaasi lagu fulinayay, waxaana goobta xukunka lagu fulinayay sidoo kale ku sugnaa masuuliyiin iyo xubno katirsan Ahlu Sunna.

Labadan dhalinyaro ee lagu karbaashay fagaaraha kuyaala magaalada Dhuusomareeb ayaa dhowr bil kahor gabar ku kufsaday magaalada Guriceel, waxaana ragan xukunka karbaashka ah ku riday maxkamad ay leedahay kooxda Ahlu Sunna.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Cabdi Max’uud Cumar oo TV-ga hadal uga jeediyey shacabka DDSI

Caydiid Ali

Rooble oo maamuusay Ergadii Soomaaliya ku matashay Kiiska Badda (Sawirro)

Cabdi Cade

Dagaal Xubno badan looga dilay Al Shabaab oo ka dhacay Deegaanka Ceel Dheere

Cabdi Cade
Taboola Ads ---