Allbanaadir.com
NEWS

Rooble oo maamuusay Ergadii Soomaaliya ku matashay Kiiska Badda (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa munaasabad soo dhaweyn ah u qabtay Ergadii Soomaaliya ee Kiiskii difaaca Baddeenna oo uu hogaaminayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixiyeen difaacan Qaran, isaga oo dul istaagay halgankii dheere ee lagu bixiyey sidii looga hor istaagi lahaa Kenya damaca ay ku doonaysay in ay ku qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa bogaadiyey isku duubnida shacabka Soomaaliyeed iyo sida wadajirka ah ay ugu istaageen dacwadda lagu difaacayey baddeenna, isaga oo tilmaamay in taas ay ka tarjumeyso biseylka iyo wadaniyadda ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha weheliyey ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha munaasabaddan maamuuska ah, iyagoo adkeeyey qorsheyaasha lagu sii ilaalinayo madaxbannaanida iyo qarannimada dalkeenna.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun Dil ah oo maanta lagu riday Askari dil bareer ah u geestay Taliyihiisa

Cabdi Cade

Mareykanka oo qirtay in dad ka badan 130-qof oo rayid ah ku dileen dalal Soomaaliya ku jirto

Cabdi Cade

Mareykanka oo Baaq deg deg ah u diray Muwaadiniintiisa ku sugan Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---