Dagaal goordhaw ka dhacay Xaafad katirsan Muqdisho iyo Masuul ku dhaawacmay

Dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa daqiiqado yahor ka dhacay xaafada loo yaqaan saban saban ee katirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Sida aan Wararka ku heleyno dagaal ayaa salka ku haya muran dhinaca dhulka ah oo mudo badan halkaasi ka taagnaa, waxaana dagaalka la sheegay in uu u dhaxeeyo ciidamo dowlada iyo ciidamo kale oo u abaabulnaa qaab beeleed.

Dagaalka oo daqiiqado badan socday ayaa markii dambe qaboobay, waxaana wali is hor fadhiya ciidamada dagaalamay iyadoona laga cabsi qabo in  mar kale halkaasi dagaal dib uga bilowdo.

War kusoo dhacay Warqabadka Allbanadair ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhaawacmay Xoghayihii Degmada Dayniile Mahad Sharaawe , waxaa sidoo kale dagaalka ka dhashay khasaaro kale aan la ogeyn inta ay la egtahay.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

- Advertisement -