Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble & wafdigiisa oo soo gebagebeeyey booqashadii ay ku joogeen Kuwait

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Mohamed Hussein Rooble iyo wafdiga uu horkacayo ayaa caawa dib ugu soo laabtay dalka ka dib markii ay booqasho sadex maalmood qaadatay ku tageen dalka Kuwait.

Rooble iyo ka qeybgelay tacsida iyo ducada amiirkii dalka Kuwait ee dhawaan geeriyooday Shiikh Sabaax Alaxmed Alsabaax.

Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ugu tagay Amiirka cusub ee dalka Kuweyt Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-jaabir Al-sabaax ayaa gaarsiiyey tacsida Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan geeridii Alle ha u naxariistee Amiirka dalkaas Marxuum Sabaax Al-Axmed.

Raisul wasaaraha ayaa saaka booqday xarunta safaaradda DFS ee Kuwait. Waxa uu warbixin ka dhageystay Safiirka iyo howlwadeennada safaaradda oo uu uga mahadceliyay shaqada ay Qaranka ku hayaan. waxaa booqashada ku wehliyay Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Debadda iyo mas’uuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo faahfaahin ka bixisay sababaha keenay iney xiriirka u jarto Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo Xil weyn u magacawday Nin aad ugu dhawaa Madaxweyne Deni

Cabdi Cade

Masar oo ka cabsi qabta in la sii daayo Wareysi adag oo laga qaaday Madaxweyne Al Sisi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---