Dabaq Aroos ka socday oo kuyaala Muqdisho oo soo dumay iyo Khasaaro ka dhashay

Waxaa goordhaw soo dumay Dhismo kuyaala Degmada Boondheere ee gobolka Banaaodir, waxaana qeybta sare ee dhismahaasi soo dumay la sheegay in xiligaasi ay ka socotay xaflad aroos oo dad badan joogeen.

Goobjoogayaal ayaa noo sheegay in dhismo dabaq ah oo qeybta kore ka socotay xaflad aroos  mar qura uu soo dumay, waxaana xiligaas dhismaha saarnaa dad badan oo munaasabada arooska ka qeyb galayay.

Dad badan ayaa ku dhaawacmay dhismahan goordhaw soo dumay, waxaana dhaawacyada dadka oo ah kuwa aad u badan loo kala qaaday isbitaalo kala duwan oo kuyaala magaalada Muqdisho.

Wali lama oga in khasaaro dhimasho uu ka dhashay dhismahan xaflada aroos ka socday ee soo dumay, waxaana dhismaha soo dumay la sheegay in uu ahaa mid qadiimi ah oo in mudo ah helin dayacir.

Dhismaha soo dumay waxaa  gaaray ciidamada booliiska iyo kooxaha gurmadka deg dega oo dhaawacyada qaadaya, waxaana goobtaasi dhaawacyada ka daadgureenayay gaadiidka gurmadka deg dega.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

- Advertisement -