Maxkamadeynta gabdho dilay aabahood oo dood weyn ka dhalisay dalka Ruushka (Sawirro)

Dalka Ruushka waxaa ka socota  maxkamadeynta saddex hablood oo walaalo ah kuwaasoo bishii July ee 2018 aabahood oo hurda toori ku dileen gurigooda oo ku yaalla Magaalada Moscow.

Dembi baarayaasha ayaa caddeeyey in hablahaa aabahood sannado badan faroxumayn jir iyo mid maskaxeedba ku hayey ayna u dul-qaadan waayeen dhibaatadaas.

Dacwada lagu oogay iyo waxa ay gabdhahan walaalaha ahi mudan doonaanba waxay noqdeen doodda ugu kulul ee ka taagan Ruushka waxaana dad ka badan 300,000 ay saxiixeen codsi lagu doonayo in lagu sii daayo.

Goor fiid ah 27 July 2018-kii ayaa Mikhail Khachaturyan oo da’diisu ahayd 57 ayaa makhsinkiisa mid mid ugu yeeray gabdhihiisa Krestina, Angelina iyo Maria oo markaa aan qaan gaar ahayn. Wuxuuna ku dilay in aanay guriga si fiican u nadiifin oo basbaas ayuu wejiga kaga buufiyey.

Isla wax yar ka dibna waabu iska seexday, balse hablihii baa mindi iyo dubbe la dhacay oo basbaasna ku buufiyey dhaawacyo halis ahna ka gaarsiiyey madaxa, qoorta iyo laabta.taasoo sababtay inuu geeriyoodo.

Hablihii yaryaraa markaasay booliska telefoon u direen oo isla goobtii ayaa lagu xiray.

Baaritaankii waxa isla markiiba lagu ogaaday in qoysku lahaa taariikh dheer oo dagaal iyo buuq ah.

Khachaturyan had iyo goor wuu ulayn jiray hablihiisa muddo saddex sanadood ah, wuu jidh dili jiray oo guriguu ku xiran jiray isagoo weliba faro xumayn jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -