Macalin Maxamuud & Shiikh Shaakir oo ka degay dalka Imaaraadka Carabta

Hogaamiyaha Ahlu suna Macalin Maxamuud Shiikh Xasan iyo madaxii hore ee xukuumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir oo ay wehliyaan xubno kale ayaa maanta gaaray magaalada Dubai dalka Imaaraadka Carabta sida ay sheegayaan warar laga helay ilo lagu kalsoon yahay.

Labada xubnood ayaa maalmahanba ku sugnaa magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, iyagoo kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan maamulkaas.

Weli lama oga ujeedada safarka masuuliyiinta Ahlu suna ku tageen magaalada Dubai, iyadoo socdaalkooda uu ku soo beegmayo xili uusan wanaagsaneyn xiriirka dowladaha Somalia iyo Imaaraadka.

Hogaamiyeyaasha Ahlu suna ayaa ka baxay magaalada Dhuusamareeb Todobaadkii hore ka dib markii looga taag roonaaday dagaal socday muddo 24 saac ka badan oo ka dhacay magaaladaas kaasoo dhexmaray ciidamadooda iyo kuwa DF, waxaana lagala wareegay xarunta Inji oo aheyd halka ugu dambeysay ee ay ka joogeen magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -