Jilaaga caanka ah ee Salman Khan oo lagu xukumay shan sano oo xabsi ah (Daawo Sawirro)

Maxkamada Magaalada Jaidpur ee dalka India ayaa saaka jilaaga aflaamta Bolywoodka ee Salman Khan ku riday xukun 5-sano oo xarig ah.

Sidoo kale Salman Khan waxaa lagu ganaaxay 10,000 Rupees ($151) inuu bixiyo.

Dacwadan oo ku dhowaad 20 sano soo jiitamaysay ayaa lagu soo oogay Salman Khan iyo jilayaal kale ka dib markii lagu eedeeyey iney  toogasho ku dileen sanadkii 1999 Ugaarta deerada ee dalkaas ka sii dabar go’eysa, xili ay filim ku jilayeen gobolka Rajasthan.

Jilayaasha Saif Ali khan, Tabu iyo Sonali Bendre oo Salman Khan maxkamada kala soo muuqday ayaa la sii daayey ka dib markii wax dambi ah lagu waayay.

Qodobka 51-aad ee sharciga ilaalinta duur joogta dalka India ayaa dhigayaa qofkii ugaar sii dabar go’eyso toogasho ku dila in xukun 6-sano ah lagu ridayo.

Jilaaga Salman Khan ayaa xabsiga dhexe ee Jaidpur loo dhaadhiciyey, iyadoo qareenadiisa ku doodayaan in xidigaan damaanad lagu sii daayo maadaama hawlo badan ay qabyo ka yihiin.

Waa markii afaraad ee lagu soo eedeeyo Salman khan falal dembiyeed la xiriira ugaadhsiga xayawaanada la mamnuucay isagoo markii uu jilayey filimka Hum Saath Saath 1998dii afar mar laga cafiyey xadgudub uu u gaystay xaywaan.

Sidoo kale, Jilaagan ayaa sanadkii 2002 lagu eedeeyay inuu gaari mariyey nin hoy la’an ah oo meel bannaan jiifay iyadoo arrintaas la soo gabagabeeyey bishii Disembar 2015kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -