Baarlamanka Somalia oo xusul duub ugu jira furitaanka kalfadhigiisii 4-aad (Daawo Sawirro)

Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka oo uu shir guddoominayay ku-simahaa Guddoomiyaha Golaha shacabka ahna Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ayaa isugu yimid kulan looga hadlay qorsheyaasha Golaha horyaala kalfadhiga 4-aad ee Golaha shacabka oo dhowaan furmi doona.

Xubnaha Gudiga joogtada ah ayaa kulanka inta uu socday waxa ay soo bandhigeen ajendayaasha horyaala golaha kalfadhigan soo socda gaar ahaan kuwa hor tabinta leh.

Ugu dambeyn Gudiga joogtada ah ee Golaha shacabka ayaa go’aamiyay ama mudeeyay jadwalka Golaha lagu horkeenaayo shuruucda maraya heerarka kala duwan ee Akhrinta.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ah habdhowraha golaha shacabka ayaa faahfaahin ka bixiyay kulanka gebagebadiisa waxyaabihii kasoo baxay, isagoo sheegay in xubnaha Gudiga ay ka doodeen sidii kalfadhiga afraad marka uu furmo loo dar dar gelin howlaha golaha.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in Gudiyada Golaha looga baahan yahay in ay soo dedejiyaan sharciyada horyaala ee loo soo gudbiyay, iyagoo kaashanaya qubarada kala shaqeysa xagga sharciyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -