Allbanaadir.com
NEWS

Maamul Goboleed War kasoo saaray Doorashadii Jubbaland Baaqna u diray Axmed Madoobe

War qoraal ah oo goordhaw kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa looga hadlay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam .

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta mar kale loo doortay in uu maamulka Jubbaland hogaamiyo.

Qoraalka kasoo baxay Deni ayaa loogu baaqay Axmed Madoobe in uu ka shaqeeyo in wadahadal lagu dhameeyo Khilaafka Gudaha Jubbaland, sidoo kale Deni waxa uu ku baaqay in dowlada federaalka iyo Jubbaland wadahadal ku dhameeyaan Khilaafka doorashada ka dhashay

 

Related posts

Duqa Muqdisho iyo Pier Mario Daccò oo kormeer ku tagay Casa Italia oo dib loogu wareejiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo amar cusub soo saartay

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Tanja Fajon oo Muqdisho timid (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---