In ka badan 180-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab oo la sheegay in saakay lagu dilay weerar…

War kasoo baxay Milatariga dalka Uganda ayaa lagu sheegay in weerar gaadmo ah ay ku qaadeen goob ay ku shirayeen dagaalyahano iyo saraakiil katirsan Al Shabaab ku dileen  189 dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab.
 
Ciidamada Uganda qeybta ka ah AMISOM warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay cutubyadooda ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay weerareen  tuulada Siigaale oo katirsan Sh/Hoose qiyaastiina 100 kiilo mitir u jirta Muqdisho.
 
Saraakiisha Uganda sheegay in howlgalka ay qaadeen lagu burburiyey agab milatari oo ay lahaayeen Al Shabaab sidoo kale lagu soo qabtay labo taliye oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaasoo lagu wareejiyey ciidamada Dowlada Soomaaliya.
 
”Ma aysan la kulmin wax khasaaro ah ama dhaawac ah ciidamadeena, mana jirin bartilmaameed rayid ah oo ay wax ku noqdeen inta howlgalka socday,” ayuu yiri Brig. Don Nabasa, oo katirsan saraakiisha ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM.
Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda, oo lagu magacaabo Lt. Col. Deo Akiiki, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Associated Press in howlgalka oo dhacay subaxnimadii jimcaha isugu jiray mid dhulka iyo cirka.
 
Ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya warkan kasoo baxay  ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowlada Soomaaliya iyo sidoo kale kooxda Al Shabaab ee la sheegay in dagaalyahano badan laga dilay.
 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -