Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal katirsan Ciidanka milatariga Soomaaliya oo la dalacsiiyay (Daawo Sawirada)

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Janeraal Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe oo shalay booqday difaacyada  Ciidamada dowladda ee deegaanka Bariire  ayaa bogaadiyay ciidanka milatariga ee deegaankaasi la wareegay.

Taliye Indha-Qarshe ayaa qiimeyn ku sameeyay xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda ee Al Shabaab kala wareegay deegaanka Bariire, waxa uuna ciidanka ku amaanay geesinimada ay muujiyeen ,isagoona ugu baaqay in ay adkeysi sameeyaan.

Jeneraal Indha Qarshe ayaa shalay intii uu joogay Bariire dalacsiiyay sidoo kale shahaado gudoonsiiyay Sarkaalkii hoggaaminayay howlgalka lagula wareegay deegaankaas oo lagu Magacaabo Cabdi Cali Raagge.

Sargaalkan ayaa markii hore darajadiisu aheyd Dhame waxa uuna taliyaha ciidanka Xooga u dalacsiiyay Darajada Gaashaanle, waxaa sidoo kale taliyaha la siiyay shahaado sharaf uu ku muteestay shaqada adag uu qabtay.

 

Related posts

Jawaari oo oo isaga soo tagay Baydhabo Shaacana ka qaaday waxyaabo badan uu la yaabay !

Cabdi Cade

Bam caawa lagu weeraray Bar Kontrol oo ciidamada amnigu ku leeyihiin Muqdisho

Caydiid Ali

Qarax goor dhow ka dhacay degmada Ceelwaaq & Khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---