Jawaari oo oo isaga soo tagay Baydhabo Shaacana ka qaaday waxyaabo badan uu la yaabay !

Gudoomiyihii hore ee golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa halkaasi isaga soo tagay kadib markii laga hor joogsaday in uu tartamo.

Jawaari oo goordhaw Muuqaal soo duubay ayaa shaaca ka qaaday in uu isaga soo tagay Baydhabo, waxa uuna cadeeyay in halkaasi aysan aalin gogol nin gob ah uu wax ka doonto sida uu tilmaamay.

” Arimaha ka socda Baydhabo aniga shaqsiyan qiyaasta aan qiyaasay ma fidsana gogol nin gob ah iyo oday wax kasoo doonto, waxaa socda arimo takrifal caadi ah,Ā  meeshan doorasho hufan oo xalaal ah iyo wax u dhaw kama socoto ee gabood falo ayaa ka socda oo lagu talax tagayo xaquuqda muwaadinka ” ayuu yiri Prof Jawaari.

Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay hadii aan wax laga qaban sida ay hada wax u socdaan in uu ka cabsi qabo in la waayo meeshana ka baxdo dowladnimada yar ee hada heesato Soomaaliya dhibka badana loo soo maray.

Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in doorashada ay hada ku jirto koontarool saa’id ah iyo gacanta qof, waxa uuna cadeeyay in uusan gudbeyn xitaa musharax noqon karin qof aan raali laga aheyn .

Jawaari ayaa sheegay in uu shir uga socdo Madaxtooyada Baydhabo Odayaasha iyo waxgaradka iska leh kursiga sumadiisu tahay HOP103 uuna ka warsugayo waxii kasoo baxa, waxa uuna rajo xumo ka muujiyay sida ay wax u socdaan.

Warkan kasoo baxay Prof Jawaari ayaa kusoo aaday xili la sheegay in Madaxtooyada Koonfur Galbeed ay kahor istaagtay Gudoomiyihii hore ee golaha Shacabka in uu u tartamo kursiga uu hada ku fadhiyo uuna qaato shahaadada musharaxnimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -