Allbanaadir.com
NEWS

Kenya oo Jabuuti kaga guuleesatay kursiga Afrika ee Golaha Ammaanka

Dawladda Kenya ayaa ku guulaysatay kursiga Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2021-ka illaa 2022-ka, kadib markii ay ka guuleesatay dowlada Jabuuti.

Cod-bixin ka dhacday magaalada Addis Ababa ayaa dowlada Kenya heshay 37 cod, halka Jabuuti heshay 13 cod, waxa ayna sidaasi dowlada Kenya ku mataleysaa kursigii ka bannaanaa xubnaha aan joogtada ahayn golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay

Dowlada Kenya iyo Jabuuti ayaa loola xoogan u galay ku guuleesiga kursigan ka banaanaa Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana Kenya olole xoogan u gashay sidii ay kursigan ugu guuleesan laheyd.

Soomaaliya ayaa codkeeda ku taageertay dowlada aan walaalaha nahay ee Jabuuti, waxaana ku guuleesiga kursigan ee dowlada Kenyan niyad jab ku tahay dowlada federaalka Soomaaliya.

Dowlada Kenya ayaa fursad weyn u aragta in kursigan ku fadhiisato, waxa ayna dooneysaa in kursigan ku difaacato dano waa weyn ay leedahay ay kamid tahay muranka ay galisay badda Soomaaliya.

Related posts

Dagaal ka dhan ah Al Shabaab oo laga shiray iyo Nin la doon doonayay oo la qabtay !!

Cabdi Cade

Deegaano ka tirsan Sh/dhexe oo sanado ka dib ka baxay gacanta Al-shabaab

Caydiid Ali

Maxkamad maanta lasoo taagay Ugaas Aadan Maxamed oo dambi culus loo heesto (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---