Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Musharraxiinta Mucaaradka Jubbaland oo Magacaabay guddi doorasho (Akhriso)

Musharraxiinta mucaaradka ee Jubbaland ayaa magacaabay guddiga doorashada Madaxweynaha, iyagoo sheegay inay dooran doonaan madaxweyne Khamiista nagu soo aadan.

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah Musharaxiinta mucaaradka ayaa ugu baaqay Axmed Madoobe inuu qudhiisa iska soo diiwaan geliyo Guddigan, ayna  u furany tahay.

Musharaxiinta Madaxweyne ee mucaaradka Jubbaland ayaa maalinta berito ah khudbadaha ka hor jeedin doona Baarlamaankii ay dhawaan soo magacaabeen.

Hadalka mucaaradka ayaa imaanaya xilli guddiga doorashooyinka Jubbaland ay shaaca ka qaadeen in Khamiista ay dhici doonto doorashada madaxweynaha.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa ka biyo diidsan geeddi u socodka doorashada Jubbaland, waxaa ay dhawaan soo magacaabeen waxa ay ugu yeereen ‘Baarlamaanka labaad ee Jubaland’.

Dhawaan ayay aheyd markii wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan uu Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Jubbaland ka codsaday in ay fuliyaan dhammaan qodobadii ay ka dalbadeen beesha caalamka, isagoo digniin ku bixiyey hadii aan la fulin ineysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda doorashada Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Indhaqarshe oo ka hadlay ujeedada laga leeyahay tirakoobka Ciidamada

Caydiid Ali

Maxkamad Xukuno culus ku riday xubno lagu helay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab & Daacish

Caydiid Ali

Maxkamadda ciidamada oo xukun adag maanta ku riday Eeney Ureyn Garaar Ooyow

Cabdi Cade
Taboola Ads ---