Maxkamad Xukuno culus ku riday xubno lagu helay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab & Daacish

Maxkamada Ciidamada ee Puntland ayaa xukuno kala gedisan ku riday rag loo heytsto Alshabaab iyo Daacish oo falal dilal iyo qaraxyo la sheegay inay ka geysteen degaanada Puntland.

Maxkamadda xukunno isugu jira, Dil iyo Xabsi Daa’in ku riday eedeysanayaasha iyadoo qaar kale la sii daayay, waxaana xukunta oo ka dhacay xabsiga dhexe ee Boosaaso ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Gobolada Bari G/sare Cawil Axmed Faarax.

Afar ka mida ragga ayaa lagu xukumay Dil toogasho ah, kuwaasoo lagu eedeeyay Alshabaabnimo iyo Daacish, waxayna kala yihiin:.

1- Cabdi Cumar Iftiin – Shabaab waxaa lagu xukumay Dil toogasho ah

2- Jeylaani Xasan Isaaq – Shabaab waxaa lagu xukumay Dil toogasho ah

3- Xasan Aadan Laamow – Daacish waxaa lagu xukumay Dil toogasho ah

4- Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) – Daacish waxaa lagu xukumay Dil toogasho ah

Maxkamada Ciidamada Puntland waxay Xabsi daa’im ku xukuntay Bishaar Cismaan Seed Faarax, waxaana dib loo dhigay Maxkamdeynta Lix eedeysane oo kale, saddex eedeysane oo dambi lagu waayey ayaana la fasaxay.

Ragga dilka lagu xukumay waxaa ku jira Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool-geel) madaxii dhaqaalaha iyo saadka Al-shabaab ugu qaabilsanaa gobolka Mudug kaasoo ka soo jeeda koonfurta Gaalkacyo.

Calool Geel iyo saddex kale ayaa lagu qabtay howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Puntland iyo Galmudug, kaasoo laga sameeyey Koonfurta magaalada Gaalkacyo bartamihii sanadkii hore.

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa 02/03/2013  ku xakuntay Calool-geel dil toogasho ah, kadib markii 17/11/2012 lagu qabtay Gaalkacyo isagoo la sheegay inuu waday boorso ay ku jiraan walxaha qarxa isla markaana qirtay inuu yahay Al-shabaab, laakiin xabsiga Puntland ayaa laga sii daayay dhamaadkii sanadkii 2014-kii, kadib markii labo qof oo reer Puntland ah afduub loogu qabsaday Koonfurta Gaalkacyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -