Odayaal caan ah oo loo diiday iney ku laabtaan Belad-Xaawo & Sababta ka dambeysa

Odayaashii soo xulay xildhibaannada baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya qaarkood ee uu u yeeray ururka Alshabaab kaddibna u tegay ayaa hadda ka cabanaya in loo diiday inay ku laabtaan degaannada ay dowladda ka arrimiso ee markii hore ay ka baxeen.

Sagaal iyo toban oday oo ka tegay magaalada Baled-xaawo ayaa maamulka magaaladaasi waxa uu u diiday inay magaaladaasi galaan.

Diiriye Salaad Raage oo ka mid ah odayaashan ayaa sheegay in loo diiday inay dib ugu laabtaan magaaladaasi.

“Wax digniin ah oo ay noo sheegeen oo ku saabsan inaanan meeshaas aadin ma jirto.” ayuu yiri Diiriye Salaad.

Waxaa uu gaashaanka u daruuray in maamulka degaankaasi uu xaq u leeyahay inay ka hor istaagaan inay magaaladaasi galaan, iyadoo dhinaca kale maamulka belad-xaawo aysan ka hadlin arintan.

Dhowaan ayey aheyd markii Al-Shabaab uu soo saaray bayaan uu ku amrayo odayaashii soo xulay xildhibaannada baarlamaanka Federaalka ee Soomaalida ee tagaan degaannada ay ka taliyaan haddii kale ay la kulmi doonaan cawaaqib xun.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -