(Akhriso) Magacyada & qabiilada raggii maalmo ka hor isku qarxiyey Aw-Dheegle

Idaacadda Andalus ee ku hadasha codka kooxda Al-shabaab ayaa baahisay wareysi ku saabsan weerarkii maalmo ka hor ka dhacay saldhigga ciidamada dowladda ee degmada Aw-dheegle gobolka Sh/hoose.

Weerarkaas oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ayaa waxaa fuliyey laba dagaalyahan oo kasoo kala jeeda beelaha Dir iyo Raxanweyn sida ay Warbaahinta Al-shabaab ay sheegtay.

Waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Deeq Ibraahim Aadan oo kasoo jeeda beesha Dir gaar ahaan jufada Gaadsan wuxuu ku dhashay degaanka Quracle ee gobolka Bakool iyo Manuur Ibraahim Xasan Gaabow oo isna kasoo jeedo beesha Raxanweyn gaar ahaan Jilible.

Idaacada Al-shabaab ayaa baahisay codad laga duubay raggan ka hor inta aysan weerarka fulin iyagoo sheegaya iney naftooda u hurayaan difaaca diinta Alle sida ay warka u dhigeen.

Ciidamada dowlada ee ku sugan degmada Aw-dheegle ayaa iska difaacay weerarkaas ay soo qaadeen Al-shabaab, waxaana ka dhashay khasaare soo gaaray labada dhinacba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -